Search a title or topic

Over 20 million podcasts, powered by 

Player FM logo

Saddexaad Podcasts

show episodes
 
Artwork

1
Maamul Wanaag

Somali Public Agenda

icon
Unsubscribe
icon
icon
Unsubscribe
icon
Monthly
 
Somalia faces multiple governance challenges. The country is recovering from years of conflict, lawlessness and weak administration. Understanding and improving governance in Somalia is one of the core missions of Somali Public Agenda. Join Mahad Wasuge, SPA Executive Director, and his guests who will delve deep into governance issues in Somalia in the Maamul Wanaag podcast.
  continue reading
 
Loading …
show series
 
Wasiirkii hore ee Batroolka Soomaaliya oo hadda falanqeeya arrimaha siyaasadda iyo dowlad-dhiska Mohamed Mukhtar Ibrahim ayaa dhawaan qoray labo maqaal oo ka hadlaya metelaadda iyo baaxadda hay’adaha dowladda ee heer federal iyo heer dowlad-goboleed. Maqaalka koowaad wuxuu ugu magac daray “Ma u baahan nahay 999 wakiil, 8 Madaxweyne iyo 6 Madaxweyne…
  continue reading
 
25 sano ayaa laga joogaa markii bishii August 2000 lagu dhisay Jamhuuriyadda Saddexaad ee magaalada Carta ee dalka Jabuuti. Shir lagu maamuusayo sanadguuradaas ayaa dhawaan lagu qabtay magaalada Carta. Geeddi-socodka dowlad-dhiska Soomaaliya rubuc qarni kadib weli waa qabyo. Nidaamkii federaalka weli lama dhameystirin. Dib-u-eegista dastuurka weli …
  continue reading
 
Dowladda federaalka Soomaaliya waxa ay ku jirtaa sanadkii afaraad. Geeddi-socodka doorashooyinka & dib-u-eegista dastuurka weli waa qabyo. Hannaanka doorashada waxa aanan qeyb ka ahayn siyaasiyiin ay kamid yihiin madaxweynayaal & raysal wasaarayaal hore. Raysal Wasaarihii hore ee dalka Cumar Cabdirashiid waxa uu kamid ahaa afar siyaasi oo ka tirsan…
  continue reading
 
Dalka Mareykanka waxaa ka socda dadaallo lagu raadinayo in uu Mareykanka u aqoonsado Somaliland dal ka madax-bannaan Soomaaliya. Dhanka kale dowladda federaalka ayaa wadda dadaallo loogasoo horjeedo in ay Somaliland ka go’do Soomaaliya. Qeybtan 60-aad ee Maamul Wanaag Podcast, Mahad Waasuge & Feysal Rooble, oo ah aqoonyahan, falanqeeye & xubin kati…
  continue reading
 
25 sano ayaa laga joogaa markii bishii August 2000 lagu dhisay Jamhuuriyadda Saddexaad magaalada Carta ee dalka Jabuuti. 4.5 in awoodaha loo qeybsado waxa ay kamid ahayd tiirarkii lagu dhisay dowladdaas. Inkastoo loo arkayay in muddo kooban kadib laga gudbi doono, 4.5 weli waa halbeegga metelaadda beelaha ee dowladda. Qeybtan 59-aad ee Maamul Wanaa…
  continue reading
 
Hay’adda Istaatistikada Qaranka Soomaaliya (Somalia National Bureau of Statistics) waxa ay sanadihii lasoo dhaafay ku howlaneyd dadaallo la xiriira uruurinta xogaha rasmiga ah ee dalka oo ay kamid tahay tirakoobka. Tayada & tirada xogaha rasmiha ah ee la hayo, iyo sida looga faa’ideysto ayaanan dad badan u caddeyn. Qeybtan 58-aad ee Maamul Wanaag P…
  continue reading
 
25-kii Agoosto ee sanadkan, waxaa Muqdisho ku heshiiyay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo qeyb kamid ah Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed. Qodobada heshiiska waxaa kamid ahaa in ay xubnaha baarlamaanka federaalka doortaan madaxweynaha sidoo kalena ansixiyaan xilkana ka qaadi karaan raysal wasaaraha & in urur-siyaasadeedkii ka hela ugu yaraan 10% …
  continue reading
 
There is currently an active campaign in the United States urging President Trump to recognize Somaliland. Meanwhile, the future of the African Union Support and Stabilization Mission in Somalia (AUSSOM) remains uncertain. In this 56th episode of the Maamul Wanaag Podcast, Mahad Wasuge speaks with Omar Mahmood, International Crisis Group (ICG) Seni…
  continue reading
 
Dhawaan waxa ay Somali Public Agenda daabacday daraasad ku saabsan dakhliga Maamulka Gobolka Banaadir, taas oo iftiimineysa ilaha dakhli ee Gobolka Banaadir, sharciga uruurinta canshuuraha, hannaanka wargelinta muwaaddinka, caqabadaha canshuur uruurinta iyo sida dakhligaas loo kharash-gareeyo. Qeybtan 55-aad ee Maamul Wanaag Podcast, Mahad Waasuge …
  continue reading
 
Gogosha Wadatashiga Qaran ee uu fidiyay Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa muddo socotay. Inkastoo gunaanadkii ay kasoobaxday in ay gogosha furan tahay, kulankii ugu ballaarnaawaxaa Muqdisho lagu qabtay 16-19 June, 2025. Hadda waxaasocda kulamo u dhexeeya dowladda federaalka & MadashaSamatabixinta Soomaaliyeed. Qeybtan 54-aad ee Maamul Wanaag Podcast, Ma…
  continue reading
 
16-19 June, 2025 waxa Muqdisho ka qabsoomay Gogosha Wadatashiga Qaran ee uu fidiyay madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud bishii Maarso ee sanadkan. Gogosha waxaa ka qeybgalay siyaasiyiin, ururro siyaasadeed, xisbiyo ka socday Puntland, iyo qaar ka mid ah ururrada bulshada. Intii ay gogoshani socotay waxaa looga hadlay ilaa 4 qodob oo kala ah: midnimada…
  continue reading
 
Nearly two decades after beginning its engagement with the continent, Turkey has emerged as one of the most active extra-regional actors in Africa. Its influence is particularly evident in the Horn of Africa, especially in Somalia and Ethiopia. In this 51st episode of the Maamul Wanaag Podcast, Mahad Wasuge speaks with Dr. Federico Donelli, Assista…
  continue reading
 
Dowladda federaalka Soomaaliya waxaa u billowday sanadkii afaraad. Geeddi-socodka doorashooyinka & dib-u-eegista dastuurka weli waa qabyo. Wakhtiga harayna waxa ay u muuqdaan in ay adag tahay in lagu dhameeyo. Hannaanka doorashada waxa aanan qeyb ka ahayn siyaasiyiin ay kamid yihiin madaxweynayaal & raysal wasaarayaal hore. Qeybtan 51-aad ee Maamul…
  continue reading
 
Dadaallo la xiriira arrimaha deegaanka ayaa ka socdoPuntland. Sidoo kale, dowlad-goboleedka ayaa dagaal kula jirta ISIS. Dhanka kale, xiriirka dowladda federaalka & Puntland ayaa hakad ku jiray muddo ka badan labo sano. Qeybtan 50-aad ee Maamul Wanaag Podcast, Agaasimaha Somali Public Agenda Mahad Waasuge iyo Wasiirka Deegaanka, Daaqa iyo Isbeddelk…
  continue reading
 
12-kii December 2024, dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa dalka Turkiga ku wada saxiixday heshiis loogu magacdaray Baaqa Ankara. Baaqa waxaa saxiixay Madaxweynaha Soomaaliya & Raysal Wasaaraha Itoobiya waxaana goobjoog ka ahaa Madaxweynaha Turkiye. Heshiiskan waxaa ku jirtay in wadaxaajood farsamo la bilaabi doono bisha February 2025, laguna soo…
  continue reading
 
12-kii April, raysalwasaaraha dalka, Xamse Cabdi Barre ayaa safar dhowr maalmood qaatay ku tagay magaalada Laascaanood oo ah xarunta SSC Khaatumo. Waxa uu ahaa masuulkii ugu sarreeyay ee Jamhuuriyadda Saddexaad ee taga magaalada Laascaanood. Muddadii uu joogay raysalwasaaruhu waxa uu daahfuray mashaariic, isaga oo ku casuumay hoggaamiyaha SSC Khaat…
  continue reading
 
Hirgelinta nidaamka federaalka Soomaaliya weli lama dhameystirin. Inkastoo la dhisay dhowr dowlad-goboleed muddadii u dhexeysay 2013 iyo 2016, haddana ka shaqeysiinta nidaamka federaalka waxa uu ku jiraa marxalad bilow ah. Arrimaha aanan weli caddeyn oo marxalad heshiis siyaasadeed maraya waxaa kamid ah daadejinta awoodaha fulinta, federaaleynta ma…
  continue reading
 
Ku dhawaad 25 sano kadib dhismidii Jamhuuriyadda Saddexaad ee magaalada Carta ee dalka Jabuuti, geeddi-socodka dowlad-dhiska Soomaaliya weli waa qabyo. Nidaamkii federaalka weli lama dhameystirin. Dib-u-eegista dastuurka weli waa socotaa. Dowladda federaalka iyo qaar kamid ah dowlad-goboleedyadana khilaaf siyaasadeed ayaa ka dhex taagan. Qeybtan 46…
  continue reading
 
Dhawaan Open Budget Survey (OBS) oo sameeya cilmibaaris madax-bannaan oo lagu baaro miisaaniyadaha dalalka, fursadaha ay qeybaha bulshada uga qeyb gaadan karaan miisaaniyadda xilliga la diyaarinayo, iyo kaalinta hay’adaha ka shaqeeya daahfurnaanta ku leeyihiin miisaaniyadda ayaa daabacay natiijada daraasad laga sameeyay miisaaniyadda Soomaaliya san…
  continue reading
 
Dowlad-dhiska Soomaaliya marxalado kala duwan ayuu soo maray, balse marka la eego xal-u-helidda arrimaha siyaasadeed ee ugu waaweyn dalka, horumar ballaaran lagama sameynin. Maxaa Soomaaliya ka khaldan oo aan arrimaha siyaasadeed xal looga gaari karin, sidee ayayse tahay in loo wajaho arrimaha ugu waaweyn dowlad-dhiska Soomaaliya oo ay kamid yihiin…
  continue reading
 
Dhawaan warbixinno la xiriira baaritaanno uu ku sameeyay 19 hay’ad dowladeed ayuu daabacay Xafiiska Hantidhowraha Guud. Warbixinnada waxaa ku jira natiijada khaladaad kala duwan oo lagu ogaaday baaritaannada oo ay sameeyeen xafiisyo kala duwan ee dowladeed. Qeybtan 41-aad ee Maamul Wanaag Podcast, Mahad Waasuge & Axmed Ciise Guutaale oo ah Hantidho…
  continue reading
 
Tan iyo dabayaaqadii sanadkii 2022, degmooyin & deegaanno intooda badan ku yaalla maamullada Galmudug & Hirshabelle ayaa soo galay gacanta dowladda. Dadka dega deeggaannadaas waxa ay dowladda u qorsheysay gaarsiinta adeegyada aasaasiga ah. Barnaamij xasilin oo si gaar ah loogu talo galay ayaa qorshisiisa billowday. Sidoo kale Ergayga Gaarka ah ee X…
  continue reading
 
Loading …
Copyright 2026 | Privacy Policy | Terms of Service | | Copyright
Listen to this show while you explore
Play